Baro Sida Lacag looga Sameeyo Upwork iyo Fiverr (Hagaha rasmiga ah)2026

Baro Sida Lacag looga Sameeyo Upwork iyo Fiverr (Hagaha rasmiga ah)2026

Ma ku riyootay inaad adigoo gurigaaga jooga u shaqayso shirkado ku yaalla Mareykanka ama Yurub? Taasi ma ahan riyo dambe, ee waa xaqiiqo haddii aad leedahay xirfad lagu kalsoonaan karo. Freelancing-ka ama is-u-shaqaynta online-ka ah ayaa ah fursadda ugu weyn ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku heli karaan dakhli doollar ah.

Tallaabada koowaad, waa inaad go’aansataa waxaad ku fiicantahay. Ma tahay turjumaan, graphic designer, mise qof koodhka qora? Markaad ogaato, baro sida loo isticmaalo baraha Upwork iyo Fiverr. Barahan waxay isku xiraan qofka xirfadda leh iyo qofka adeegga u baahan. Si aad uga dhex muuqato kumannaanka qof, waa inaad dhisataa Profile xooggan oo muujinaya somaliskills -kaaga gaarka ah.

Barxirfad waxay bixisaa koorsooyin gaar ah oo lagu baranayo sida loo maareeyo macaamiisha caalamiga ah iyo sida loo qaato lacagaha adigoo jooga Soomaaliya. Ma aha oo kaliya in aad xirfadda taqaano, balse waa in aad leedahay aqoon ku saabsan sida loola macaamilo dadka kala dhaqanka ah.

Dhibaatada ugu weyn ee haysata dhalinyarada waa samirka. Freelancing-ku wuxuu u baahanyahay dadaal joogto ah. Ha is dhiibin haddii aad waayid macmiilkaaga koowaad usbuuca hore. Markaad baro xeeladaha tartanka, waxaad ogaan doontaa in xirfad kasta oo aad leedahay ay leedahay suuq iibsada. Ku biir Barxirfad si aad u noqoto freelancer xirfadaysan oo guulaysta.

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You May Also Like

Dunida maanta ee dhijitaalka ah, haysashada shahaado jaamacadeed oo keliya kuma filna. Waxa isbeddelay habka loo shaqeeyo, iyadoo xoogga la...
Sidee Looga Iibsado Hosting iyo Domain Namecheap Adigoo Jooga Somalia Ma doonaysaa in website-kaagu ku bilowdo qiimo ka yar $20...
Baro Suuqgeynta Dhijitaalka ah iyo SEO 2026 Ma is weydiisay sababta website-yada qaar ay safka hore uga soo baxaan Google...