Table of Contents
Fursad Shaqo UNICEF 2026 ?UNICEF Internship Program 2026
Maxay Tahay UNICEF Internship?
UNICEF waxay siisaa ardayda hibada leh fursad ay ku bartaan sida ay u shaqeyso Qaramada Midoobay, gaar ahaan mashaariicda lagu caawiyo carruurta adduunka. Layligani (Internship) ma ahan mid tabarucaad oo qura, balse waa mid ardayda laga caawiyo dhinaca dhaqaalaha.
Faa’iidooyinka Layli-barashada (Benefits)
- Gunno Bille ah (Monthly Stipend): UNICEF waxay bixisaa lacag bille ah oo loogu talagalay nolosha iyo kharashka gaadiidka.
- Kaalmada Safarka: Haddii laguu diro xafiis ka baxsan dalkaaga, waxaa laga yaabaa in lagaa caawiyo tikidhada iyo fiisaha.
- Khibrad Caalami ah: Waxaad ka shaqaynaysaa xafiisyada UNICEF ee ku yaalla in ka badan 190 waddan (oo Soomaaliya ku jirto).
- Shahaado: Waxaad helaysaa shahaado caalami ah oo kor u qaadaysa CV-gaaga.

Shuruudaha looga Baahan yahay Codsadha
Si aad u xaqiijiso u-qalmitaankaaga, waa inaad buuxisaa kuwan:
- Waxbarashada: Waa inaad tahay arday hadda ku jira heerka Bachelor, Master, ama PhD, ama aad qalin-jabisay labadii sano ee u dambeeyay.
- Da’da: Waa inaad tahay ugu yaraan 18 sano jir.
- Luqadda: Waa inaad si fiican u taqaannaa ugu dhex yaraan mid ka mid ah luqadaha UN-ka (Ingiriisi, Carabi, Faransiis, iwm).
- Natiijada: Waa inaad leedahay dhibco waxbarasho oo aad u sarreeya (Excellent academic performance).
- Xiriirka Qoyska: Ma codsan kartid haddii aad leedahay qaraabo dhow (sida waalid ama walaal) oo horey uga shaqaynayay UNICEF.
Meelaha aad ka Shaqayn karto
UNICEF waxay u baahan tahay dad ka yimid takhasusyo kala duwan:
- Maamulka iyo Maaliyadda (Administration & Finance).
- Caafimaadka iyo Nafaqada (Health & Nutrition).
- Isgaarsiinta iyo Saxaafadda (Communication & Journalism).
- Tiknoolajiyadda (IT) iyo Xog-ururinta (Data Analysis).
- Xuquuqda Aadanaha iyo Arrimah Bulshad.
Sida loo Codsado
- Tag bogga rasmiga ah ee UNICEF Careers .
- Raadi qaybta “Internship” oo ka dooro booska ku habboon takhasuskaaga iyo dalkaaga.
- Soo geli (Upload) CV-gaaga iyo warqadda dhiirigelinta (Cover Letter).




