UAE Al-Qasimia University is offering Fully Funded Scholarships 2026 for Undergraduate / Graduate students in UAE!
Jaamacadda Al Qasimia ee ku taal magaalada Sharjah, ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxay ku dhawaaqday deeq waxbarasho oo dhammaystiran (Fully Funded) oo loogu talagalay ardayda caalamiga ah ee doonaya inay bartaan heerka koowaad ee jaamacadda (Bachelor’s Degree) ee sannad-dugsiyeedka 2026-2027.

Faa’iidooyinka Deeqdan Waxbarasho
Deeqdan waxaa loo qorsheeyay inay daboosho dhammaan baahiyaha ardayga, waxaana ka mid ah:
- Lacag la’aan: Ardayga lagama rabo wax lacag ah oo dhinaca waxbarashada (Tuition Fees).
- Qarashka bisha: Ardayga waxaa la siiyaa lacag bille ah oo uu ku masruufo naftiisa.
- Hoy Bilaash ah: Jaamacadda ayaa bixinaysa hoyga ardayga.
- Tikidhada Diyaaradda: Waxaa la siinayaa tikidka diyaaradda ee imaatinka iyo ka bixitaanka kadib qalin-jabinta.
- Caymiska Caafimaadka: Ardayga waxaa loo samaynayaa caymis caafimaad oo dhammaystiran.
- bilaash Fiisaha: Dhammaan kharashyada fiisaha iyo deganaanshaha waxaa bixinaysa jaamacadda.
Kulliyadaha la Codsan Karo
Ardaydu waxay codsan karaan mid ka mid ah kulliyadaha soo socda:
- Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaadka Islaamka.
- Kulliyadda Luqadda Carabiga iyo Suugaanta.
- Kulliyadda Dhaqaalaha iyo Maamulka.
- Kulliyadda Isgaarsiinta (Communication).
- Kulliyadda Qur’aanka Kariimka ah.
Shuruudaha looga Baahan yahay Codsadha
Si aad u xaqiijiso u-qalmitaankaaga, waa inaad buuxisaa shuruudahan:
- Shahaadada Dugsiga Sare: Waa inuu ardaygu haystaa shahaado dugsi sare oo celcelis ahaan ka sarreysa 70% (qaar ka mid ah kulliyadaha sida Dhaqaalaha waxay u baahan karaan 75% ama ka badan).
- Da’da: Codsaduhu waa inuu u dhexeeyaa 18 ilaa 25 sano brand uu codsanayo.
- Muddada Shahaadada: Waa inaysan ka soo wareegin laba sano ka badan marcai aad qaadatay shahaadada dugsiga sare.
- Luqadda: Haddii aad codsanayso kulliyadaha lagu barto Carabiga, waa inaad ku gudubtaa imtixaanka luqadda ee jaamacadda. Haddii aad codsanayso Dhaqaalaha ama Isgaarsiinta, waxaa lagaa rabaa shahaadada TOEFL (450 dhibcood) ama IELTS (5.0).
Dukumentiyada loo Baahan yahay
- Nuqulka Shahaadada Dugsiga Sare oo la aqoonsaday (Attested).
- Nuqulka Baasaboorka (waa inuu shaqaynayaa ugu yaraan hal sano).
- Sawirro midab leh oo dhowaan la qaaday.
- Warqadda dhalashada.
- Warqadda dabeecad wanaagga (Police Clearance/Good Conduct).
Sida loo Codsado
Codsigu wuxuu u dhacayaa qaab online ah iyadoo la marayo mareegta rasmiga ah ee jaamacadda. Waxaa muhiim ah in dhammaan dukumentiyada ay yihiin kuwo la iskaan-gareeyay (scanned) oo cad.



