Deeq waxbarasho Talyaani Jaamacada Florence 2026: University of Florence Scholarships 2026: Fully Funded (No IELTS Required)

Deeq waxbarasho Talyaani Jaamacada Florence 2026: University of Florence Scholarships 2026: Fully Funded (No IELTS Required)

Deeq waxbarasho Talyaani Jaamacada Florence 2026: University of Florence Scholarships 2026: Fully Funded (No IELTS Required)

Jaamacadda Florence (UniFI) oo ah mid ka mid ah jaamacadaha ugu faca weyn dalka Talyaaniga, waxay ku dhawaaqday deeqo waxbarasho oo loogu talagalay ardayda caalamiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2026-2027 . Deeqdan waxaa iska kaashanaya jaamacadda iyo ururka gobolka ee DSU Toscana , waxayna fursad u tahay ardayda raba inay wax ku bartaan Yurub iyagoo helaya taageero dhaqaale oo buuxda.

Deeq waxbarasho Talyaani Jaamacada Florence 2026: University of Florence Scholarships 2026: Fully Funded  (No IELTS Required)
Deeq waxbarasho Talyaani Jaamacada Florence 2026: University of Florence Scholarships 2026: Fully Funded (No IELTS Required)

Faa’iidooyinka Deeqda DSU Toscana

Deeqdan ma ahan mid lagu bixinayo kaliya lacagta waxbarashada, ee waxay dabooshaa wax kasta oo ardaygu u baahan yahay:

  • 100% Lacag la’aan: Dhammaan kharashka waxbarashada (Tuition Fees) waa lagaa dhaafo.
  • Hoy Bilaash ah: Waxaad helaysaa qol aad degto oo lacag la’aan ah (Student Housing).
  • Cunto Bilaash ah: Jaamacadda ayaa ku siinaysa kaarka cuntada ee maqaayadaha (Mensa).
  • Gidda Lacag Cadaan ah: Waxaad helaysaa lacag cadaan ah oo gaaraysa ilaa €6,000 ilaa €7,000 sannadkii (iyadoo ku xiran dakhliga qoyskaaga).

Sida loogu Codsado IELTS La’aan

Ardayda Soomaaliyeed waxay fursad u leeyihiin inay codsadaan deeqdan iyadoon laga rabbi imtixaanka IELTS, haddii ay buuxiyaan mid ka mid ah shuruudahan:

  1. English Proficiency Certificate: Warqad ka timid jaamacaddii aad horay uga qalin-jabisay oo caddaynaysa in luqadda waxbarashadu ahayd Ingiriisi.
  2. Wareysi Online ah: Jaamacadda Florence ayaa laga yaabaa inay kaa qaaddo wareysi Skype ama Zoom ah si ay u hubiyaan heerkaaga luqadda.

Heerarka Waxbarasho & Koorsooyinka

  • Bachelor’s Degree: Koorsooyin kooban oo Ingiriisi ah (Dhaqaalaha iyo Maamulka).
  • Master’s Degree: In ka badan 30 koorso oo lagu dhigo Ingiriisi (Engineering, Data Science, Architecture, Business, International Relations).
  • PhD: Cilmi-baaris heer sare ah oo dhinacyo badan leh.

Dukumentiyada Muhiimka ah

Si codsigaagu u noqdo mid guuleysta, diyaari kuwan:

  1. Transcripts & Diploma: Shahaadada jaamacadda ama dugsiga sare iyo natiijada.
  2. Passport: Nuqul ka mid ah baasaboorkaaga oo shaqaynaya.
  3. CV (Europass): Resume u samaysan qaabka Yurub.
  4. Statement of Purpose: Warqadda ujeeddadaada waxbarasho.
  5. Dakhliga Qoyska: Shahaadada dakhliga (Income Certificate) oo loo beddelay Talyaani si loogu codsado deeqda DSU.

Taariikhaha Codsiga (Deadlines)

  • Codsiga Jaamacadda (Admission): Waxay furmaan inta u dhaxaysa Diseembar 2025 ilaa Abriil 2026 .
  • Codsiga Deeqda DSU: Wuxuu furmaa inta badan bisha Luulyo (July) 2026 .
Deeq Waxbarasho Rotary Peace Fellowship 2026
Deeq Waxbarasho Rotary Peace Fellowship 2026

DEEQO WAXBARASHO BADAN 2026 HALKAN KA HEL RIIX LINGAN

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You May Also Like

Scholarship Shiinaha Jaamacadda Jiangsu 2026 Codso deeqda Jiangsu University Presidential Scholarship 2026. Fursadan waxay dabooshaa lacagta waxbarashada, hoyga, iyo gunno...
Fursad Shaqo UNICEF 2026 ?UNICEF Internship Program 2026 Maxay Tahay UNICEF Internship? UNICEF waxay siisaa ardayda hibada leh fursad ay...
Deeqaha waxbarasho ee ugu Fiican Sacuudi Carabiya 2026 Baro deeqaha waxbarasho ee ugu fiican dalka Sacuudiga ee sannadka 2026. Maqaalkan...