Facebook Cloning: Khatarta Facebook gaaga mid u eg lagu Sameyn Karo si loo Jabsado? 2026
Baro wax kasta oo ku saabsan Facebook Cloning. Maqaalkan wuxuu ku tusayaa sida hackers-ku u xadaan sawiradaada iyo xogtaada si ay u abuuraan akoon kugu eg, iyo tillaabooyinka aad qaadayso si aad u xirato sirtaada (Privacy).
Waa maxay Facebook Cloning?
Facebook Cloning ma ahan in la jabsado (hack) password-kaaga, balse waa in qof dambiile ah uu abuuro akoon cusub oo isticmaalaya Magacaaga , Sawirkaaga Profile-ka , iyo xogtaada kale ee dadweynaha u furan. Qofkaas ayaa marcaas saaxiibbadaada u soo dira “Friend Request” isagoo iska dhigaya adiga si uu uga qabsado lacag ama xog xasaasi ah.
(Sawirka kore wuxuu muujinayaa sida labo akoon oo isku mid ah ay u muuqan karaan)

Sidee ayay u dhacdaa?
- Xog ururin: Dambiilaha ayaa raadiya akoonada leh “Friends List” ama “Photos” u furan dadweynaha (Public).
- Abuurid: Wuxuu furaa akoon cusub isagoo nuqul ka samaysanaya profile-kaaga.
- Khiyaano: Wuxuu fariimo u diraa saaxiibbadaada isagoo leh: “Saaxiib dhib baa igu habsaday, lacag degdeg ah iigu soo dir khadka.”

Tillaabooyinka aad isku difaacayso (Checklist)
Si aad uga badbaaddo arrintan, raac tillaabooyinkan muhiimka ah:
1. Qari Liiska Saaxiibbadaada (Hide Friends List)
Tani waa tillaabada ugu muhiimsan. Haddii dambiiluhu uusan arki karin saaxiibbadaada, ma ogaan karo qofka uu u diro “Request-ka” been abuurka ah.
- Tag: Settings & Privacy > Audience and Visibility > How people find and contact you .
- Dooro: Who can see your friends list? at beddel “Only Me” ama “Friends” .

2. Xiri sawiradaada (Privacy Settings)
Ha ka dhigin sawiradaada “Public”. Ka dhig “Friends Only” si dadka aadan saaxiibka ahayn aysan u soo dejisan karin sawirada qoyskaaga ama kuwaaga gaarka ah.
3. Isticmaal Profile Picture Guard
Facebook wuxuu bixiyaa hab looga hortago in dadku ay “Screenshot” ka qaadaan ama ay soo dejiyaan sawirkaaga profile-ka (inkastoo habkan dalalka qaar kaliya laga heli karo).
Maxaad samaynaysaa haddii la “Clone-gareeyo” akoonkaaga?
Haddii aad aragto akoon kale oo magacaaga iyo sawirkaaga wata:
- Report: Ha la hadlin qofkaas, balse si toos ah u “Report” gareey Phofile-ka isagoo dooranaya “Pretending to be me” .
- Wargeli Saaxiibbadaada: Qor qoraal (Status) aad asxaabtaada ugu sheegayso inaanu akoonkaas adiga ahayn si aysan lacag ugu dirin.


